Thursday, July 2, 2015

Baanka Dhexe ee Indonesia oo mamnuucay Isticmaalka Lacagta Dollar-ka oo Sicir-barar ku abuuray

Jakarta, 02 July, 2015 (Himilo)- Baanka Dhexe ee dalka Indoonisiya, ayaa Arbacadii shalay dhaqan-geliyey qorshe dowladdu ku mabnuucday isticmaalka Lacagta Dollarka iyo gebi ahaan lacagaha Ajaanibka in loo isticmaalo ganacsiga, si looga hortago hoos u dhac ku yimi lacagta Rupee-ga ee waddankaas .
rupiah-dollar.siQorshaha lagu mabnuucay lacagaha Dollarka oo shalay la dhaqan-geliyey, waxa bishii Afraad ee sannadkan ku dhawaaqay guddoomiyaha Baanka Dhexe ee waddanka Indoonisiya, Eco Yulianto.
Guddoomiyuhu waxa uu sheegay in go’aankani saamaynayo Goobaha Ganacsiga, Duullimaadyad, Kirooyinka, mushaharka shaqaalaha iyo qiime kasta oo lagu sarrifo lacagaha Qalaad marka laga reebo lacagta Rubbiga ee dalka Indonisia.
Waxa uu sheegay guddoomiyaha Baanka Dhexe ee Indonesia in ciddii amarka u hoggaansami weyda lagu ciqaabi doono Xadhig muddo hal sanno ah ama ganaax lacageed oo dhan $15,000 (Shan iyo Toban kun oo Dollar).
Haseyeeshee, go’aan baanka Dhexe mar dambe soo saaray, ayaa sharcigan lagaga saaray shirkadaha Caalamiga ah ee dalkaas ka hawl-gala oo loo oggolaaday inay mushaharka Shaqaalaha Ajaanibka ah ku bixiyaan Lacagta Dollarka. Sidoo kale, waxa go’aankan laga reebay shirkadaha maalgeshiga ku sameeya Tamarta iyo Adeegyada aasaasiga ah.
Hoos-u-dhac deg-deg ah oo ku yimi lacagta Rupiah marka lagu sarrifo lacagta Dollar, ayaa saamayn xoog leh ku yeelatay Dhaqalaha waddanka Indonesia oo lagu tilmaamo mid ka mid ah waddamada Dhaqaalahoodu soo korayo ee qaaradda Aasiya.
Si kastaba ha ahaatee, qorshaha dowladda Indonesia ku mabnuucday lacagta Dollarka ayaa ah mid lagaga hortagayo inaanu maalgeshiga dibadeed ee dalkaasi ku tiirsanaanin lacagta Dollar, taas oo ujeeddadeedu tahay sidii loo soo jiidan lahaa waddamada Dhaqaalahoodu horumaray ee danaynaya maalgeshi ay ku sameeyaan dalkaas.
Waddanka Indonesia oo shacabkiisa lagu qiyaaso 250 Milyan oo qof isla markaana ah waddanka ugu tirada badan Muslimiinta Caalamka, ayaa lagu tiriyaa dalalka Dhaqaalahoodu sida xawliga ah ku socdo, waxaanu kaalmaha hore kaga jiraa waddamada Eeshiya, gaar ahaan Koonfurta qaaradda ee wax-soo-saarkooda dibadda u dhoofiya.
Himilomedia.com
Hargeisa-Somaliland

No comments:

Post a Comment