
Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) oo furay Munaasabadda, ayaa sheegay in guud ahaan Soomaaliya ay ka dhacayaan Xaflado lagu xusayo 1-da July, isla markaana ay ka shaqeeyeen sidii dhallinyarta Soomaaliyeed loo dareensiin lahaa qiimaha ay dalka iyo dadka u leeyihiin maalmaha xorriyadda waynayntoodu.
“Dhamaan Shacabka Soomaaliyeed waxaa looga baahan yahay inay weyneeyaan xasuusta iyo dabaal-degga maalintii ummadda Soomaaliyeed ay heleen Xorriyadda, Madax-bannaanida, Midnimada iyo Aqoonsiga caalamiga ah. Dawladda Federaalka ayaa sannadkan si heer sare ah u xustay toddobaadka xorriyadda, sida 26-kii June markii Waqooyiga xoriyad helay, 27kii June markii Walaalaheen Jabuuti ay xorriyaddooda heleen iyo maanta oo ah 01-dii Luulyo oo ah maalintii Koofurta ay Xoriyaddeeda heshay; isla markaasna ay Waqooyi iyo Koofur ku midoobeen Jamhuuriyadda Soomaaliya.” Sidaa ayuu yidhi Wasiir Maareeye.
Duqa magaalada Muqdisho Xasan Muun-gaab, ayaa isna halkaas ka hadlay oo sheegay inay aad ugu faraxsan yihiin sannadkan in Munaasabadaha maalmaha Xorriyadda dalka lagu qabto Xarunta Officio Governo oo ahayd halkii laga taagay Calanka Soomaaliya markii ay gobollada Koonfureed Xorriyadda ka qaateen Talyaaniga 1-dii Julay 1960-kii. “Meeshaan aan Caawa joogno waxay ahayd halkii laga taagay Calanka Soomaaliya 01-dii Luuliyo 1960-kii, waanan ku faraxsannahay labaataneeyo sano oo colaad ah ka dib, inaan halkan ku xusno maalmaha Xorriyadda Soomaaliya.” ayuu yidhi Muungaab.
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa hambalyo u diray guud ahaan ummadda Soomaaliyeed Maalinta Xorriyadda, Midnimada iyo Aqoonsiga Soomaaliya darteed, waxaanu sheegay 1-da Julay ee sannadkan 2015-ka u aqoonsanayaan maalintii dib u soo kabashada Soomaaliya, ka dib dhawr iyo labaatan sano oo colaado ka socdeen dalkaas.
Waxa uu Madaxweynaha Soomaaliya oo ka hadlayaa yidhi; “Waxaan halkan ka sheegayaa in maanta (1-da Julay) aan u aqoonsanayno maalintii dib u soo kabashada, dib u soo noolaanshaha iyo dib u soo kobcidda Soomaaliya, waana habeen qiimo badan ku leh dhammaan Shacabka Soomaaliyeed.”
Habeen-hore markii la gaadhay 12-kii habeennimo ee Saacadda Bariga Afrika, ayaa Calanka Soomaaliya la sudhay Xaruntaas Xafladda lagu qabtay, waxaanay Madaxweynaha iyo Masuuliyiinta sare ee dawladda Federaalka Soomaaliya Salaan-sharaf ka qaateen Cutubyo ka tirsan Ciidammada Xoogga dalka Soomaaliya. Sidoo kale, Madaxweynaha Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa Xuska Sannad-guurada 55-aad ee Xornimada iyo Midnimadii Soomaaliya ee 1-da Julay awgeed waxa uu shalay Ubax dhigay Taallada Daljirka Dahsoon ee magaalada Muqdisho.
Hase-yeeshee, Gobolladii Waqooyiga Soomaaliya ee Ingiriiska Xornimada ka qaatay 26 June 1960-kii, ayaan ka mid ahayn Soomaaliya wakhtigan, isla markaana ah dawlad gaar uga taagan Soomaaliya oo la yidhaahdo Jamhuuriyadda Somaliland, taasoo 24 sannadood ahayd dawlad ka gooniya Soomaaliya, isla markaana nabadgelyo iyo dimuquraaddiyadi ka hirgashay, ka dib markii 18-kii May 1991-kii magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer lagaga dhawaaqay inay Somaliland gaar uga istaagtay, isla markaana Soomaaliya kala soo noqotay xorriyaddii ay kula midawday 1-dii Julay 1960-kii. Inkasta oo aanay weli aqoonsi buuxa beesha caalamka ka helin, haddana dunidu waxay ula macaamishaa si dhaw nidaamka dawladeed iyo nabadgelyo ee ka hirgalay dartood.
Himilomedia.com
Hargeisa-Somaliland
No comments:
Post a Comment