“Cali Warancade Waa Daahir Sheeg,Waa Nin Sarajooga Ku Ataxyaadsada”.
Hargeysa (Himilo) July 1 2015-Xoghayaha Warfaafinta Xisbiga Mucaaridka Ee Waddani Mujaahid Boobe Yuusuf Ducaale Ayaa Si Faahfaahsan Uga Hadlay Sababaha Doorashooyinka Dib U Dhigay,Waxaa uu sidoo kale Sheegay In Komishankii Doorashooyinku Hoostagaan Madaxwayne Siilaanyo.
Boobe Yuusuf Ducaale Waxaa uu Golaha Guurtida Ku Sifeeyay Inay Ku hawlan tahay shaqadii komishanka doorashooyinka qaranka,Hadal Hanjabaada Oo uu sheegay inuu yidhi wasiirka arimaha gudahana waxaa uu ku sheegay hadal la iska yidhi.
Boobe Yuusuf Ducaale Oo Maanta Saxaafada kula hadlayay magaalada hargeysa ayaa ugu horayn ka hadlay “Bishii April Labaatabkeedii Komishanku Madaxwaynaha Ayay U tageen,26June 2015 Doorasho ma qaban karno ayay yidhaahdeen,Waxaanu qaban karnaa July 1 2016,Nimankaasi eeda ay galeen ee uu dalka u rogmanayaa waa intaas,Komishanka Doorashooyinku Madaxwaynaha Ayay Hoos Yimaadaan Madaxwaynaha Waxaa ku filnayd Waa Khaldanteen,Wuxuuna Ku yidhi Warkiina Waxaan U Gudbinayaa Guurtida,Murankii Halkaasi Ka Dhashay Waaka Halkaasi Inala Maraya”Ayuu Yidhi Boobe Yuusuf Ducaale.
Xoghayaha Warfaafinta Xisbiga Waddani Waxaa uu Aqoon Daro Siyaasadeed Ku Eedeeyay Hogaan Xisbiga Kulmiye Iyo Xukuumada “Maalin Walba Waxaa umada hortaagan Niman Aanay Talo Ka Go’in,Oo Go’aankii Gacanta ku sidan, oo uu ka maqanyahay,Waa xukuumada waxaa hogaanka xisbiga Kulmiye,Marna Guurtida Ku Odhanaya Mudada Kordhiya,Marna Xisbiyada Mucaaridka Ah Heshiiska La Galaya,Oo ku odhanaya Sadex Bilood Ayaan Doorashada Soo Qadinay,Aqoon darada Siyaasadeed Ee Haysata Ayaa Waxwalba Ka Daran Ee Ay Ku Odhanayaa Kana Waa Go’aan Siyaasiya Kana Waa Heshiis Sharciya ”Ayuu Yidhi Boobe
Waxaa uu Intaasi Ku Daray “Guurtidu Mudo Kordhinta Xaqbay U leedahay,Guurtidu Xeer Iyo Xagaan Midna Uma Laha Maalinta Komishanku Cayimo inay buriso,Haday Guurtidu Ku Guulaysato Inay Midhkaa La Tagto Macnaheedu waxaa weeyi in komishanku marka uu ku dhawaaqo madaxwaynaha iyo xildhibaanka guulaysta tidhaa waanu laalnay”.
Boobe Waxaa uu Wasiir Arimaha Gudaha Ku Tilmaamay Shakhsi Gabay Hawshii Uu Qaranka U Hayay. “Cali Warancade Waa Daahir Sheeg,Waa Ninka Sarajooga Ku Ataxyaadsada,Waxaa ugu Dambeeyay Shilkii Shalay Berbera Ka Dhacay,Waa Wasiirka Arimaha Gudaha Amniguu Madax ka yahay, Waa ninkii Madaxwaynaha Geeyay Haamaha Shidaalka ee habeenka dhan afarta saacadood riwaayada loogu dhigaayay,ee haamuhu halista ku jireen ee madaxwaynuhu halista ky jiray,ninka Amaanka Dalka Ka Masuulka Ahi Waa Ninka Yidhi Baabuurta Booyadaha Ah Turusyada Ka Jara.” Ayuu Yidhi Boobe Yuusuf Ducaale.
Xoghaye Boobe Yuusuf Ducaale Waxaa Uu Duray Safiiro Uu Madaxwayne Siilaanyo Shalay Magacaabay Isagoo Sheegay Inaanay Safiiradaasi Dalka Waxba Kusoo Kordhin Doonin.
Himilo Media
Hargeysa Office
No comments:
Post a Comment