Waxaa shalay kulan maamuusid iyo dhiirigelin isugu jira Madaxweynaha JSL uu ugu sameeyey ardayda kaalimaha hore ka gashay tartankii Qura’anka Kariimka ee Bisha Barakaysan ee Ramadaan ka socday Masjidka Cali Mataan ee Caasimada Hargeysa
Waxaa xaqiiq ah in Qur’aanku yahay iftiin halka Alle inooga yimid isla markaana mudan yahay in la wayneeyo cid walba oo Qur’anka ku abtirsatana “Ehlu Qur’aan” la sharfo lana maamuuso.
Waxaan duco iyo hambalyo u diraya ardayda, waalidkooda iyo Macalimiintii dedaalka faraha badan geliyeyba waxaanan uugu bushaaraynayaa wixii Alle u balan qaaday oo ah in Alle maalinta Qiyaamaha TAAJ iftiin badan guudkooda saari doono isla markaana cid walba qalbiga ka jeclaysan doonto in Ubadkooda ay Qur’anka Illaahay Xafidsiin lahayeen.
Allaha Sharfo waa dad Sharaf badane .
Wa Bilaahi Tawfiiq
No comments:
Post a Comment