Thursday, July 2, 2015

“Cali Warancade waa ninka Sarajoogga ku Ataxyaadsada… waa ninkii Madaxwaynaha geeyay Haamaha Shidaalka ee...”

Hargeysa, 02 July, 2015 (Himilo)- Xoghayaha Warfaafinta Xisbiga Mucaaridka ee Waddani, Boobe Yuusuf Ducaale, ayaa xil-gudasho la’aan iyo masuuliyad-darro ku eedeeyey Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland Cali Maxamed Wara-cadde oo Salaasaddii Dorraad xisbiyada mucaaradka ah ugu hanjabay inuu gacan bir ah ku qaban-doono cid kasta oo waxyeello u geysata xasiloonida dalka.
QODAX21Xisbiyada Mucaaradka ah ayaa hore ugu hanjabay inaanay aqoonsan doonin xukuumadda madaxweyne Siilaanyo marka ay gaadho dhammaadka muddo-xileedka madaxweynaha oo ku eg dabayaaqada bishan July haddii xukuumaddu fulin-weydo heshiis xisbiyada siyaasadda dhexmaray oo xilliga doorashada loogu muddeeyey dhammaadka sannadka soo socda.
Wasiirka Arrimaha Gudaha Cali Waran-cadde oo dorraad ka hadlayey madal xukuumadda iyo xisbigeeda Kulmiye ku shaaciyeen inaanay ka bixin heshiiskii wakhtiga doorashada lagu muddeeyey, balse ay golaha Guurtidu u daba-fadhiyaan muddo-kordhin laba sanno ah oo ay u sameeyeen xukuumadda iyo golaha Wakiillada, waxa uu sheegay inay xukuumad ahaan gacan bir ah kaga hortagayaan cid kasta oo ka hortimaadda nidaamka dowladnimo, waxyeello-na u geysata ammaanka dalka.
Haddaba, Boobe Yuusuf Ducaale oo daba-socday Hanjabaadda Wasiir Waran-cadde u jeediyey mucaaradka, waxa uu xil-gudasho la’aan ku dhaliilay Wasiirka Arrimaha Gudaha, waxaanu yidhi, “Cali Warancade waa Daahir-Sheeg, waa ninka Sarajoogga ku Ataxyaadsada, waxaa ugu dambeeyay Shilkii Berbera ka dhacay. Waa Wasiirka Arimaha Gudaha, Amniguu madax ka yahay, waa ninkii Madaxwaynaha geeyay Haamaha Shidaalka ee habeenka dhan afarta saacadood riwaayada loogu dhigayay ee haamuhu halista ku jireen, ee madaxwaynuhu halista ku jiray. Ninka ammaanka dalka ka masuulka ahi waa ninka yidhi Baabuurta Booyadaha ah Turusyada Ka Jara.”
Dhinaca kale, Boobe Yuusuf waxa uu ka hadlay Khilaafka ka taagan, muddo-kordhinta Golaha guurtida iyo muddeynta Wakhtiga Doorashada, “Guurtidu muddo kordhinta xaqbay y leedahay, Guurtidu Xeer Iyo Xag midna uma laha maalinta komishanku Cayimo inay buriso, haday Guurtidu ku Guulaysato inay midhkaa la tagtom Macnaheedu waxaa weeyi in komishanku marka uu ku dhawaaqo madaxwaynaha iyo xildhibaanka guulaysta ay tidhaahdo waanu laalnay,” Sidaas ayuu yidhi Boobe Yuusuf Ducaale.
Himilomedia.com
Hargeisa-Somaliland

No comments:

Post a Comment