Thursday, July 2, 2015

Tartan-ciyaareed loogu magac-daray Halyeygii Xorriyatul-Qawlka Somaliland oo xalay ka furmay Garoonka Tima-cadde

Hargeysa, 02 July, 2015 (Himilo)- Wasiir Ku-xigeenka Wasaarada Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Somaliland Yuusuf Cismaan Garas, ayaa xalay si rasmi ah u furey tartanka Bisha Ramadaan ee Kubadda Kolayga (Basket Ball), kaas oo loogu magac daray Alle ha u naxariiste Xoghayihii hore ee Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA Marxuum Maxamed-rashiid Muxumed Faarax oo shil gaadhi ku geeriyooday dhammaadka sannadkii hore.
rrrrrXafladda furitaanka oo lagu qabtay Garoonka Kubadda Kolayga ee Timacade, waxa ka qeybgalay Wasiir Kuxigeenka Wasaarada Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Somaliland Md. Yuusuf Cismaan Garas, Xildhibaan Cabdiqaadir Maxamed Xasan (Indho-indho), Xildhibaan Maxamuud Jaamac Warfaa(Wadka),La-taliyaha Madaxweynaha ee dhinaca Arrimaha Saxaafadda Khadar Cali Gaas, Gudoomiyaha Ururka SOLJA Maxamuud Cabdi Jaamac (Xuuto), Ciyaartooy, Dhalinyaro iyo marti sharaf kale oo tiro baddan.
Guddoomiyaha Garoonka Kubadda Kolayga ee Timacade Axmed Ibraahim Axmed (Darmaan) oo halkaasi ka hadlay, ayaa sheegay in tartanka Koobka bisha Ramadan ee Marxuumka loogu magac-daray ay ka qayb-galayaan 8-Kooxood oo kubadda Kolayga ah.
Xildhibaan Maxamed Jaamac (Warfaa) oo munaasibadda ka hadlay, ayaa uga mahad-celiyey cid kasta oo ka qayb-qaadatay qabsoomidda tartanka loogu magac-daray xoghayihii hore ee Ururka Suxufiyiinta ee SOLJA Marxuum Maxamed-rashiid Muxumed Faarax, isagoo dhinaca kale u mahad-celiyey dhalinyarada ka qayb-qaadanaysa tartanka.
Mar uu Xildhibaanku ka hadlayay Marxuum Maxamed-rashiid Muxumed Faarax, waxa uu yidhi:“Alle ha u naxariiste Marxuum Maxamed-Rashiid Muxumed Faarax Saxaafadda oo kaliya uun kamuu bixin ee waxa uu ka baxay bahda Ciyaartoyga oo waxa uu ahaa nin dhalinyarada abaabula oo dhalinyarada wax u qabta oo u soo jeeda oo wakhtigiisa ku lumiya”.
Tifaftiraha Wargeyska Saxafi Mustafe Sheekh Cumar Geed ayaa waxa uu ka waramay taariikhda iyo aqoonta uu u lahaa Alle ha u naxariiste Xoghayihii hore ee Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA Maxamed-rashiid Muxumed Faarax, ayaa yidhi, “Waxan u mahad-celinayaa abaabulayaasha tartankan bisha Ramadaan ee Kubadda Kolayga, ee loogu magac-daray Alle ha u naxariiste Maxamed-rashiid Muxumed Faarax, oo aan odhan karo waxa uu ahaa hormoodkii Saxaafadda, in baddana waan soo wada shaqeynay ka suxufi ahaan, iyo ka Saxaafad ahaan-ba. Alle ha u naxariiste Marxuum Maxamed-rashiid waxa uu kaalin weyn ku lahaa Ciyaaraha, waxaan xusayaa oo kaliya markii la furey Wargeyskan aan Tifaftiraha ka ahay ee SAXAFI, iyada oo aan dhaqaale badan-ba loo haynin, ayaa waxa uu abaabulay Koox ku Ciyaaraysay Magaca Wargeyska SAXAFI oo uu bixinayay Kharashkoodii. Alle ha u naxariiste Marxuum Maxamed-rashiid doorkiisi Warbaahintu way tebi doontaa muddo dheer oo waana la xasuus-naan doonaa”.
Guddoomiyaha Ururka SOLJA Maxamuud Cabdi Jaamac (Xuuto) ayaa waxa uu u mahad-celiyay soo abaabulayaasha tartanka bisha Ramadaan ee Kubadda Kolayga ee loogu magac-daray Xoghayihii hore ee Ururka SOLJA Maxmed-rashiid Muxumed Faarax. “ Ka SOLJA ahaan waxay noo tahay magac-weyn Koobkan, maadama oo loogu magac-daray Maxamed-rashiid Muxumed Faarax oo hore u ahaa Xoghayihii Ururka SOLJA, dhalinyarada soo abaabushay Koobkan abaal weyn ayaan ugu qabnaa, maadama ay xuseen kaalinta ay saxaafaddu kaga jirto bulshada, inta uu tartankani socdo waxaanu ka noqon doona goob-joog, wixii kaalintayada nagaga aadana waan ka qaadan doona”.Ayuu yidhi
Xildhibaan Cabdiqaadir Maxamed Xasan (Indhoindho) oo ka mida mudanayaasha Golaha Guurtida Somaliland oo isna halkaasi ka hadlay, ayaa tilmaamay sida ay muhiimka u tahay xuska shakhsiyaadka kaalinta firfircoon ka soo qaatay bulshada.
La-taliyaha Madaxweynaha ee Dhinaca arrimaha Saxaafadda Khadar Cali Gaas oo halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu yidhi “Waxaan aad ugu faraxsanay inaan ka soo qeybgalo tartankan loogu magac-daray Alle ha u naxariiste Maxamed-rashiid Muxumed Faarax, oo door muhiima ka soo qaatay kobcinta saxaafadda Somaliland, waxa uu tiir ka baxay tiirarkii ay saxaafaddu ku taagnayd. Aad ayaan ugu mahad-celinayaa intii soo abaabushay iyo intii gacan ka geysatayba ee suuragelisay in koobka noocan oo kale ah la qabto. Waxaan rajaynayaa Koobka danbe ee loo qaban doono Maxamed-rashiid Muxumed Faarax inay qoladeena saxafaadu ay soo abaabusho halka ay maanta dad kale ka maalgeliyeen, waxa Fiican inay Saxaafaddu xasuusato dadkoodii ka baxay, ee ay ka midka ahaayeen Maxamuud Maxamuud (Kastan) ee uu ka midka ahaa Siciid Guraase, niman odayaala ayaa inaga baxay sanadkii tagay saxaafadda wa inaynu u duceynayaa cidii inaga baxday bishan Ramadaan.”
Wasiir Kuxigeenka Wasaarada Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Somaliland Yuusuf Cismaan Garas oo halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu yidhi “Caawa wax baddan sheeg ayaan islahaa, laakin markii aan arkay Sawirka Marxuum Maxamed-rashiid Muxumed Faarax, markii hore farxad ayaan ku soo talogalay, laakin waxay noqotay Murugo iyo Xasuus badan inaan dib ugu noqonay, Marxuumka oo ahaa qof qiimo baddan oo farxada iyo wanaaga jecel, oo waxa uu ahaa nin wanaaga ka shaqeeya, Waa bil Ramadaan ee ILAAHAY Maxamed-rashiid qabriga ha u nuuriyo”.
Dhinaca kale, Ciyaar qurux baddan oo xalay lagu furey tartanka Kubadda Koleyga ee Marxuumka loogu magac-daray, ayaa dhexmartay laba Kooxood ee ku kala Ciyaarayay Magaca Wasaarada Tamarta Iyo Macdanta Somaliland Iyo Kooxda Ku Ciyaaraysay NAGAAD, waxaanu halkaas guushu ku raacday Kooxda ku Ciyaaraysay Wasaarada Tamarta iyo Macdanta oo keensatay 37-dhibcood, halka kooxdii kalena eek u Ciyaaraysay NAGAAD-na ay keensatay 34-Dhibcood.
Himilomedia.com
Hargeisa-Somaliland

No comments:

Post a Comment