Wednesday, July 15, 2015

Gudoomiye Cirro Oo Tacsi Tiiraanyo Leh U Diraya Geerida Ku Timid La Taliyihii Madaxwaynaha Ee Gobalada Berriga Marxuum Fuaad Aadan Cade.

Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland ahna guddoomiyaha Xisbiga Waddani Md.Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) wuxuu tacsi tiiraanyo leh u dirayaa Siyaasiyiinta Aqoonyahanka, Waxgarad, Boqorada, Isimada, saladaadiinta Iyo Dhammaaba Shabacka Reer Somalilandba isagoo ka tacsiyadaynaya geeri naxdinta lahayd ee ku timi ALLE ha u naxariistee Marxuum Siyaasi Fu’aad Aadan Cade oo ku geeriyooday maanta dalka turkiga 15.07.2015.

Guddoomiye cirro ayaa ku sifeeyay inuu ahaa tiir culus oo ka baxay Qaranka Somaliland, isagoo sheegay inuu ahaa Marxmuum Fu’aad Aadan Cade Rug cadaa weyn oo siyaasi ah, isla markaana door weyn ka qaatay dhismaha Qaranimada Somaliland iyo nabadayntii dalka, wuxuuna ku tilmaamay inuu ahaa shaqsi qaranimadu jecel, kuna suntanaa hal adayg iyo go’aan qaadasho .

Marxuum Fu’aad Aadan Cade oo xilal kal duwan ka soo qabtay Qaranka Somaliland, isagoo la soo shaqeeyay madaxweynayaashii soo qabtay talada dalka wuxuuna ku suntanaa hawl karnimo iyo daacad uu qarankiisa u dacaad ahaa.

Md. C/raxmaan Cirro ayaa sidoo kalena wuxuu tacsi u dirayaa Eheladii, Asxaabtii, Qarabadii iyo Qoyskii uu ka baxay marxuum Fu’aad Aadan Cade oo saaka ku geeriyooday dalka Turkiga 15, 07, 2015

Guddoomiye Cabdiraxmaan Cirro, wuxuu Illaahay uga baryeyaa inuu u naxariisto waa bil ramadaane oo uu janatul Fardawsana ka waraabiyo, Ehelkii , Qaraabo iyo guud ahaan Shacbiga Somaliland-na uu samir iyo iimaan ka siiyo. Amiin Amiin.

Innaa-Lillaahi Wa Innaa-Illeyhi Raajicuun.

Xoghayaha Warfaafinta Xisbiga Waddani.

Muj.Boobe Yuusuf Ducaale.

No comments:

Post a Comment