Wednesday, July 15, 2015

Madaxwayne Obama Oo laga Codsaday In Booqashada Kenya Noqoto Mid Lagu xoojinayo Xuquuqda Muwaadiniinta Kenya.

Nairobi 15july 2015 {Himilo}-Madaxweynaha Mareykanka Barack Obama oo la filayo inuu dhawaan booqasho ku tago dalka Kenya ayaa laga dalbaday in booqashadiisa uu saldhig uga dhigo sidii loo xoojin lahaa Xuquuqda Aadamaha Kenya, sida ay ku sheegeen Qoraal ay soo saareen maanta hay’adaha u dooda xuquuqda aadamaha Kenya iyo kuwo caalami ah.

Ugu yaraan 17 urur oo ah kuwa u dooda Xuquuqda Aadamaha ayaa ka walaacsan sida ay Xukuumadda Uhuru Kenyatta ay u Wiiqdo dastuurka dalkaas ku yaalla, iyadoo ku mar-marsiyoonaysa inay kor u qaadayso amniga dalkeeda ayna ka hortagayso Argagaxisada.

Hay’adhaan ayaa waxay ku eedeeyeen xukuumadda Kenya inay si weyn ugu xad-gudubto xuuquqda aasaasiga ah ee muwaadiniinta Kenya, taasna ay tahay midda ku khasabtay inay Obama weydiistaan in booqashadiisu ay noqoto mid sare loogu qaadayo Xuquuqda Aadamaha Kenya.

“Maadaama aad tihiin dowlad xuluf dhow la ah dalka Kenya, isla markaana gacan weyn ka siinaysa la dagaalanka argagaxisada, Mareykanka waxaan weydiisanaynaa in Kenyatta iyo Xukuumaddiisa ay ku Cadaadiyaan inay Dhaqankeeda cusub bedesho ayna Meel-mariso dastuurkii la dhaqan-geliyay sannadkii 2010-kii,” ayaa lagu yidhi Warqadda ay Wadajirka u soo saareen Hay’adahan Xuquuqda aadamaha u dooda ee Kenya iyo kuwa caalamiga ah.

Ugu dambeyn, Ururradaan ayaa Waxay War-saxaafadeedkooda ku yidhaahdeen. “Waxaan kugu borrinaynaa madaxweyne (Barack Obama) inaad isha ku hayso arrimaha muhiimka ah inta aad ku jirto booqashadaada taariikhiga ah ee aad Kenya ku imaanayso.”

Si kastaba ha ahaatee, Madaxweynaha Mareykanka Barack Obama ayaa Booqanaya markii ugu horreysay dalka Kenya isagoo ah Madaxweynaha Mareykanka inta u dhexeysa 24-ka illaa 26-ka Bishan aynu ku jirno ee July.


Himilomedia
Hargeysa Office

No comments:

Post a Comment