Thursday, July 16, 2015

“Ninna gobolkan (Saaxil) kama hadli karo aan aniga ahayni.. Marka uu (Ramaax) yimaaddana wuxu ku imanayaa…”Badhasaabka Saaxil.

Hargeysa, 16 July, 2015 (Himilo)- Guddoomiyaha gobolka Saaxil Fahmi Cabdi Bidaar, ayaa sheegay in Guddoomiye kasta oo gobol booqasho iyo safarraba ku tegi karo gobollada iyo magaalooyinka kale ee dalka, isla markaana magaalada Berbera ee xarunta Saaxil ee uu Madaxda ka yahay iman karo Badhasaab kasta oo kale, balse uu ku joogI karo si xishmad iyo karaamo leh, waxaanu farriin u diray dhiggiisa Awdal Maxamuud Cali Saleebaan (Ramaax) oo hore Badhasaab uga ahaan jiray Saaxil.


Guddoomiyaha gobolka Awdal Maxamuud Cali Saleebaan (Ramaax), ayaa toddobaadkii hore mar uu booqasho ku joogay magaalada Berbera ee xarunta gobolka Saaxil weedho aflagaaddo ah kula kacay mid ka mid ah Weriyeyaasha ka hawlgala magaaladaas oo su’aal shaqadiisa la xidhiidha weydiiyey Maareeyaha Dekedda Berbera Eng. Cali Cumar Maxamed (Xoor-xoor) oo gudaha Dekedda Warbaahinta kula hadlayey, Ramaaxna garab-joogay, isagoo Guddoomiyaha Awdal uu Maareeyaha Dekedda oo su’aasha la weydiiyey ka jawaabayay isla markaana doonayey inuu Suxufiga ka qanciyo su’aasha, ayaa Guddoomiye Raxmaax afka kaga booday oo yidhi; “Cali dee maaha inaad ka jawaabto su’aalaha aan laaqiga ahayn!” Hase-yeeshee, Maareeyaha Dekedda BerberaWeriyaha oo ku celiyey Su’aashaas Maareeyaha, isla markaana Ramaax u sheegay in cidda uu wax weydiiyey Maareeyaha tahay uu mar kale Ramaax ugu jawaabay; “Waar waad edeb-daran tahay, maxaad tahay adigu kalab..”
Maxamuud Cali Saleebaan (Ramaax) oo Badhasaabnimada Awdal ka hor guddoomiye ka soo noqday gobollada Saaxil iyo Sanaag, ayey wakhtiyada uu Guddoomiyaha ka ahaa Sanaag iyo Awdal waxa uu booqashooyin ku tagaa magaalada Berbera ee xarunta gobolka Saaxil, iyagoo mararka ay Badhasaabka Saaxil Fahmi Cabdi Bidaar isku seegeen Munaasibado ay kaga wada qaybgaleen Berbera, kuwaasoo ay ka mid ahayd Munaasibad Xisbiga KULMIYE ee heer gobol ku qabsaday Berbera markii uu Badhasaabka Sanaag ahaa Ramaas, isla markaana uu Fahmi amray inaanu ka hadli karin Xafladdaas Ramaax, markaasoo ay weedho la sheegay inay xanaf lahaayeen is-weydaarsadeen.


Haddaba, Badhasaabka gobolka Saaxil Fahmi Cabdi Bidaar oo mar uu Arbacadii shalay qaar ka mid ah Saxaafadda kula hadlay Xafiiskiisa magaalada Berbera, la weydiiyey sida ay tallaaboyinka Guddoomiyaha gobolka Awdal qaado marka uu Saaxil yimaaddo, kuwaasoo ay ugu dambaysay sida uu jawaabta su’aasha la weydiiyey isaga hor-taagay Maareeyaha Dekedda Berbera, waxa uu ku jawaabay oo sheegay in cidda qudha ee Masuuliyad ahaan gobolka ka hadli kartaa isaga tahay, balse ay si asluubaysan ku iman karaan xarunta Saaxil ee Berbera Guddoomiyayaasha gobollada kala duwan ee dalka Somaliland.


Fahmi Cabdi Bidaar oo su’aashaa ka jawaabayaa, waxa uu yidhi; “Horta, gobolkan Saaxil anigaa ka Guddoomiye ah, horena waad u ogeydeen oo taas cidi isma weydiinayso, Guddoomiye kasta oo gobolna wuu iman karaa, keligiis maaha Guddoomiyaha Awdal (Ramaax) ee Guddoomiyeyaal badan baa yimaadda. Boorama waan tagaa anigu, laakiin waxaan ku tagaa qaab. Markaan tago waan is-ogeysiiyaa, waan imid baan idhaahdaa, markaas ka bacdina hawlgahayga gaarka ah ayuun baan qabsadaa.”
“Laakiin, Ninna gobolkan (Saaxil) kama hadli karo aan aniga ahayni… Marka uu (Ramaax) yimaaddana wuxu ku imanayaa isagoo Guddoomiye gobol ha iska ahaadee caadi ah, oo Tolkii, Xaafaddiisa iyo Ehelkiisa u yimi, haddii uu noqdana wuxu ku noqonayaa isagoo sidaas ah.”


Himilomedia
Hargeysa Office

No comments:

Post a Comment