Hargeysa, 16 July, 2015 (Himilo)- Xukuuumadda Madaxweyne Siilaanyo, ayaa sheegtay inaan la dafiri karin Xogaha ay baahisay shabakadda siraha adduunka soo bandhigta ee Wikileaks oo dhowaan faafisay waraaqo laga helay safaaradda Sucuudiga, taas oo lagu sheegay in xukuumadda madaxweyne Siilaanyo ay dowladda Soomaaliya la gashay heshiis Somaliland kaga mid noqoto dhismaha Federaalka Soomaaliya.
Lataliyaha madaxweynaha Somaliland ee dhinaca siyaasadda Dr Cumar Dixood oo ayaa sheegay inaan la dafiri karin xogta ay faafisay shabakadda Wikileaks in bishii February ee sannadkii 2012 heshiis lagu abuurayo nidaam federaal uu dhexmaray Xukumadda Somaliland iyo Dowladda Soomaaliya, waxase uu Dr Dixood masuuliyadda arrintaas ku riixay Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibadda Somaliland Dr Maxamed Cabdilaahi Cumar oo ugu ku baaqay inuu Shacabka ka qanciyo jiritaanka arrintaas.
Balse Maxamed Cabdilaahi Cumar oo isagu todobaadkii hore ka hadlay arrinta, ayaa beeniyey isla markaana waxba kama jiraan ku tilmaamay inuu jiray heshiiskaasi, waxaanay soo-bixitaanka xogta warkani abuurtay eedayn uu Dr Maxamed Cabdilaahi u jeediyey Wasiirka Madaxtooyada Xirsi Cali Xaaji Xasan oo ka hadlay arrinta isla markaana beeniyey, balse masuuliyaddeeda isaga riixay Dr Maxamed Cabdilaahi Cumar.
Haddaba Dr Cumar Dixood oo shalay warbaahinta la hadlay, waxa uu masuuliyadda jiritaanka warkaas dusha ka leexiyey Xukuumadda uu ka tirsan yahay, isagoo si gaar ah ugu moosay wasiirkii hore ee Arrimaha Dibadda Maxamed Cabdilaahi Cumar, waxaanu yidhi, “Wikileaks waa Website caalami ah,waxaas uu soo saaray dee horta lama beenin karo, Waayo?, Inta badan caalamka waxyaabo dawladdaha uuni ogyihiin baa jira laakiin, Nin-nin Daboolka wax ka qaada oo cadho qaado oo yidhaahda aduunka shacabkiisu ha ogaado ayaa jira. Markaa warkan uu ninkani soo saaray ee Somaliland ku soo baxay, anigu waxaan u malaynayaa in arrintaasi khusayso Maxamed Cabdillaahi, Wasiirkii arrimaha dibadda ee hore ayay khusaysaa, dawladda Somaliland shuqul kuma laha wixii halkaasi lagu soo saaray, waayo?, Maxamed Cabdillaahi shirar uu gali jiray baa jira oo gaar u ahaa, inta bandanna waa kii kaligii socon jiray.”
Dr Cumar Dixood, waxa uu difaacay Wasiirka Madaxtooyada, waxaanu eedayn u jeediyey Dr Maxamed Cabdilaahi Cumar, isagoo yidhi, “Anigu waxaan qabaa, markii isagu uu arrintaasi ka hadlayay may ahayn inuu Wasiir Xirsi Eedeeyo may ahayn inuu Xirsi dusha ka fuulo,haddii lagu haysto nin dabadaada jooga ama kaa fog la iskuma qaado ee waa la is difaacaa, markaa hadduu isagu is difaacayo ha is difaaco laakiin, aniga igamay dhaadhicin sababta uu Xirsi iskugu qaaday, waxaan u arkayay khalad. Haddii uu Xirsi dambi u hayso ama anigaba I haysto goordhaw ha ku mushxarado laakiin, marka hore dadka ha qanciyo oo ha yidhaahdo sidaas may ahayne sidaas bay ahay, dadku waxay doonayaan in la qanciyo.”
Warka ay faafisay Wikileaks, ayaa todobaadkii u dambeeyey xiisad ka dhex-abuuray siyaasadda Somaliland, iyadoo xisbiyada Mucaaradka ah Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ku eedeeyeen inay khiyaamo qara ku kacday.
Himilomedia
Hargeysa Office
No comments:
Post a Comment