Wednesday, July 1, 2015

Suxuurta & Adaabteeda

Suxuurtu waxay ka mid tahay Sunaha Rasuulka, waa waxyaalaha Qofka ugu kaalmeeya inuu Soonkiisa u xoogsado, wax kasta oo Cibaadada loogu xoogsadaa waa wax wanaagsan Diintana Asal ku leh, Sidaa darteed ayaa Rasuulku wuxuu Ummadiisa ku dhiiriyey inay Suxuurta Cunaan, wuxuu Xadiis ku yidhi: "Suxuurta, Barakay leedahaye". Nebiga SCW & Asxaabtiisu way Suxuuran jireen, si ay Cibaadada ugu Xoog yeeshaan, waxa Saxaabiga Zayd Bin Saabit RC wuxuu yidhi: "Waxaanu la suxuuranay Nebiga SCW, ka dib waxaanu u kacnay Salaadii, waxaan ku idhi: Intee u dhaxaysey? Wuxuu yidhi waqti Konton Aayadood laga akhriyo".

Faa'iidada Xadiiska:

1. In Suxuurtu Sunne tahay.
2. In Suxuurta dib loo dhigo.
3. In Suxuurta & Salaada waqti yar oo ilaa Toban miridh ka yari u dhaxayn karo.

Waxa kale oo Sharcigu inoo sheegay in Soonka Ahlu kitaabka & Soonka Muslimiinta waxa u dhexeeya yahay Suxuurta, taas oo inagu dhiiri gelinaysa inaan suxuurano, waayo waxa mar kasta la ina amray inaan Cibaadada & Dhaqanka ku khilaafno kiristaanka & Yuhuuda. Qofka Muslimka ah waa in aanu soomin suxuur la'aan si aanu ugu ekaan Qolada Ahlu kitaabka, suxuurtuna waxay ku xasili kartaa midhadh Timir ah, ama kabo biyo ah.
Suxuurta oo dib loo dhigo

Suxuurta oo dib loo dhigo waxay kaalmo fiican u tahay in Qofku gelinka hore oo dhan dareemo inuu wax cunay, oo aanu gaajo dareemin, markasta oo suxuurta dib loo dhigo, waxa Qofku dareemayaa inay la mid tahay Quraacdii oo aad waqti hore cuntay, markaa waxa kaa maqani waa qadadii oo aad ka boodey, Cashadiina waad soo dedejisay oo maqribkii baad cuntay, markaa waxa meesha ka maqani waa qadadii oo aad iska deysey, bal u fiirso!!.

Taabiciga Camar Bin maymuun wuxuu yidhi: "Saxaabada Rasuulku waxay ahaayeen kuwa ugu afur degdeg badan, Suxuurtana uga dib dhig badan". Asartan oo Ibn xajar fatxu baariga ku yidhi waa saxiix, sidoo kalena Nawawi Majmuuca ku yidhi waa saxiix, waxay ina tusay in Sunadu sidaa tahay. Waxa kale oo iyana la inagu dhiiri geliyey in Timir lagu suxuurto, waxa Nebiga SCW ka sugan inuu yidhi:
"Suxuur waxa ugu Nicmo badan Timirta".
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland

No comments:

Post a Comment