Kaalintii uu ka soo qaatay shirarkii Nabadeyntii Beelaha iyo Siyaasadda Dalka
Hargeysa, 16 July, 2015 (Himilo)- Alle ha u naxariistee waxa shalay gelinkii dambe cusbitaal ku yaalla dalka Turkiga ku geeriyooday La-taliyihii Madaxweynaha ee Arrimaha Gobollada Bari Marxuum Fu’aad Aadan-Cadde oo xannuun wadnaha ka haleelay iyo Jabniin lugta ka soo gaadhay oo uu in muddo ah kula il-darnaa magaalada Hargeysa markii dambe loogu qaaday Cusbitaal ku yaala magaalada Istanbul.
Waxa geerida Marxuumka ka hadlay Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Siilaanyo, Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Ahna hoggaamiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi, Guddoomiyaha Xisbiga hoggaanka dalka haya ee Kulmiye Muuse Biixi Cabdi oo dhammaantood tacsi u diray Ehelka, qaraabadii, Asxaabta, Madax-dhaqameedka iyo guud ahaan shacbiga Somaliland ee uu ka baxay Marxuum Fu’aan Aadan Cadde.
Tariikh-nololeedka Marxuumka
Alle ha u naxariistee Marxuum Fu’aad Adan Cadde waxa uu ku dhashay degmada Xuddun ee gobolka Sool. Nooma suurta-galin inaanu helno taariikhda Saxda ee uu dhashay Marxuumku, balse sida ay Himilo u sheegeen qaar ka tirsan Ehellada Marxuumka, waxa ay noo sheegeen inuu dhashay horaantii sannadihii 1940naadkii. Waxa uu waxbarashadiisii H/Dhexe ilaa dugsiga Sare ku dhamaystay Magaalada Sheekh, isagoo Dugsiga Sare ee degmada Sheekh ka baxay Sannadkii 1961-kii.
Marxuum Fu’aad waxa uu shaqadii ugu horeysay ka qabtay Baankii Dhexe ee dalweynihii Soomaaliya, balse muddo kaddib wuu ka tagay, isagoo ka mid noqday asaasayaasha Shirkad ganacsi oo la odhan jiray AfroArab oo fadhigeedu ahaa magaalada Muqdisho, isagoo ka mid ahaa masuuliyiinta sar-sare ee shirkaddaas ilaa burburkii dawladdii Soomaaliya.
Markii Somaliland dib ula soo noqotay madax-bannaanideda sannadkii 1991, waxa uu Fu’aad Adan Cadde ahaa Oday qayb laxaad ka qaatay Shir-nabadeedyo tiro badan oo dib loogu heshiisiinayey beelaha Somaliland kuwaas oo ka kala dhacay magaalooyinka Ceerigaabo, Buuhoodle, Xuddun, Caynaba, Ceel-afwayn, Berbera, Boorama, Sheekh, Burco, Hargeysa, iyo deegaamo kale, hawshaas oo ku guda-jiray intii u dhaxaysay sannadihii 1991 ilaa 1999-kii.
Marxuum Fu’aad Aadan Cadde, ayaa markii u horeysay ka soo dhex-muuqday Saaxadda Siyaasadda Somaliland horaantii sannadihii 2000, isagoo ka mid noqday siyaasiyiintii hoggaaminaysay Urur-siyaasadeedkii ASAD ee ka qayb-galay tartankii doorashooyinka Goleyaasha Deegaanka ee dalka ka qabsoomay sannadkii 2002-dii, balse markii dambe waxa uu ku biiray Xisbigii talada dalka hayey xilligaas ee UDUB oo ay ku biireen intooda badan siyaasiyiintii ururkii ASAD oo uu hoggaaminayey Guddoomiyaha Golaha Guurtida ee wakhtigan Saleebaan Maxamed Aadan.
Alle ha u naxariistee Marxuum Fu’aad Aadan Cadde waxa uu markii dambe Xil-wasiirnimo ka qabtay Xukuumaddii UDUB ee madaxweyne Daahir Rayaale oo u magacaabay Wasiirka Deegaanka iyo Horumarinta Reer Miyiga sannadkii 2003-dii, xilkaas oo uu hayey muddo Shan sanno, balse markii dambe wuu iska casilay xilkaas iyo xukuumaddii uu ka tirsanaa, isagoo ku biiray Xisbigii Mucaaradka ugu weynaa xilligaas ee Kulmiye bishii November ee sannadkii 2008-dii.
Markii xukuumadda Xisbiga Kulmiye ku guulaysatay talada dalka sannadkii 2010-kii muddo kaddib, waxa uu madaxweyne Siilaanyo u magacaabay inuu noqdo La-taliyihiisa Gaarka ah ee Arrimaha Gobollada Bari oo uu hayey ilaa xilligan uu geeriyooday.
Dhinacac kale, Marxuum Fu’aad Aadan Cadde, waxa uu ka mid ahaa madax-dhaqameedka dalka, isagoo hayey Xilka Chief-Caaqil oo aabahii ka geeriyooday. Alle ha u naxariistee, Marxuum Fu’aan Aadan CAdde, waxa uu ifka kaga tagay Laba Xaas iyo 11 ubad ah.
Sida ay Himilo u sheegeen ehellada marxuumka, waxa Fu’aad Aadan Cadde u geeriyooday xannuun kedis ah oo Wadnaha kaga soo booday. Waxa kale oo ay noo sheegeen in kharashka cusbitaalka uu ku sugnaa bixisay xukuumadda Somaliland ee uu ka tirsanaa isla markaana ay xukuumaddu bixinayso kharashka diyaaradda soo qaadaysa Meydka Marxuumka oo la filayo in Aas Qaran loo sameeyo maalmaha soo socda.
Marxuum Fu’aad Aadan-cadde ayaa ka mid ahaa siyaasiyiinta faro-ku-tiriska ah ee gobollada Bari u metala siyaasadda dalka, isla markaana kaalin wax-ku-ool ah ka geystay dedaalladii nabadeynta iyo midnimada Shacabka Somaliland, isagoo ka midho-dhaliyey heer aanay siyaasiiyiin badan oo ay isku gobol ka soo jeedaan ka gaadhin daacadnimada Qaranimada Somaliland.
Himilomedia
Hargeysa Office
No comments:
Post a Comment