Guddoomiyeyaasha Waddani iyo Kulmiye oo ka hadlay Geerida Marxuumka
Hargeysa, 16 July, 2015 (Himilo)- Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa ka hadlay Geerida Alle ha u naxariistee Marxuum Fu’aan Aadan Cadde oo subaxnimadii shalay xannuun wadnaha kaga soo booday ugu geeriyooday Cusbitaal ku yaalla Waddanka Turkiga oo uu muddooyinkii u dambeeyey xaalad caafimaad u jiifay kaddib markii laga qaaday magaalada Hargeysa oo uu muddo ku xannuunsanayey.
Alle ha u naxariistee Marxuum Fu’aad Aadan-cadde oo xilalka kala duwan ka soo qabtay xukuumadihii kala dambeeyey ee Somaliland, ayaa xilligan ku magacownaa La-taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Gobollada Bariga dalka, waxaanu Madaxweyne Siilaanyo oo shakhsiyaddii hoggaamineed ee Marxuumka ku sheegay siyaasi ruug-caddaa ah oo ku ad-adag mowqifkiisa muwaadinimo isla markaana qayb laxaad leh ka soo qaatay dib-u-dhiska iyo dhismihii qaranimada Somaliland.
Sidaasna waxa lagu sheegay war-saxaafadeed xambaarsan dhambaalka tacsida uu madaxweynuhu kaga hadlay geerida marxuumka, kaas oo ka soo baxay Xafiiska Afhayeenka madaxtooyada Somaliland, kaas oo u qornaa sidan:- “Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu tacsi u dirayaa, Siyaasiyiinta Dalka, Aqoonyahanka, waxgaradka, Ugaasyada, Boqorada, Isimada, Salaadiinta, Cuqaasha, iyo guud ahaan shacbiga Somaliland isaga oo ka tacsiyadaynaaya geerida ku timid ALLE ha u naxariistee Marxuum Fuaad Aadan Cade oo ku geeriyooday Dalka Turkiga saaka 15/07/2015.
Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ku tilmaamay siyaasi ruug cadaadi ah oo ka baxay shacbiga iyo dalka Somaliland, laguna xasuusan doono go’aamadii geesinimada lahaa ee uu ka geystay nabadayntii iyo dib u dhiskii dalka isaga oo dedaal weyn u galay sidii shacbiga Somaliland ee walaalaha ahi ay ugu wada noolaadan, deris wanaag iyo horumar, waxaanu ahaa muwaadin dhab ha oo aan ka gaban mawqifkiisa wadanimo.
Marxuumku waxa uu xilal kala duwan ka soo qabtay qaranka Somaliland isaga oo la soo shaqeeyey guud ahaan madaxdii kala duwanayd ee soo martay hogaanka dalka oo uu ilaa wakhtigan ahaa la-taliyaha madaxweynaha ee arrimaha bariga Somaliland.
Waxaanu madaxweynuhu tacsi taasi la mida u dirayaa Qoyskii, Ehelkii, Qaraabadii, iyo Asxaabtii uu ka baxay Alle ha u naxaristee Marxuumku.
Madaxweynuhu waxa uu marxuumka Alle uga baryayaa inuu naxariistii jannatu fardawsa ka waraabiyo, Aqoonyahanka, waxgaradka, Ugaasyada, Boqorada, Isimada, Sulaadiinta, Cuqaasha, iyo guud ahaan shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna Samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo,” Sidaas ayaa lagu sheegay dhambaalka tacsida ah ee madaxweynuhu u diray Ehelka, qaraabada iyo Shacbiga Somaliland ee uu ka baxay marxuum Fu’aad Aadan-Cadde.
Dhinaca kale, Guddoomiyaha Xisbiga talada dalka haya ee Kulmiye, Muuse Biixi Cabdi, ayaa tacsi u diray ehelkii, qaraabadii iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Fu’aad Aadan-cadde.
Waxa uu sidoo kale guddoomiyaha Kulmiye tacsi u diray ehelkii, qaraabadii uu ka geeriyooday Marxuum Jaamac Cabdilaahi Qaalib oo todobaadkan ku geeriyooday dalka Zambia, sida lagu sheegay dhambaal tacsi ah guddoomiyaha Kulmiye u diray ehelladii iyo qaraabadii ay ka baxeen labada marxuum.
“Waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa la taliyihii madaxwaynaha ee arrimaha bariga FUAAD AADAN CADE oo saaka ku geeriyooday dalka turkiga waxaan sidoo kale tacsi taa la mida u dirayaa JAAMAC C/LAAHI QAALIB 13/6/2015 KU geeriyooday talka Zambia, eheladoodii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo dhamaan shacbiwaynaha reer Somaliland ee ay ka baxeen labadaa marxuum.
Waxaan Illaahay uga baryayaa inuu jannadii ka waraabiyo Eheladoodii,asxaabtii iyo qaraabadiiba Samir iyo Iimaan ka siiyo,” Sidaas ayuu yidhi guddoomiye Muuse Biixi.
Sidoo kale, waxa geerida Marxuumka ka hadlay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada ahna guddoomiyaha Xisbiga Waddani, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) oo Marxuumka ku tilmaamay inuu ahaa siyaasi ruug-caddaa ah oo waddaniyaddu dhab ka tahay.
“Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland ahna guddoomiyaha Xisbiga Waddani Md.Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) wuxuu tacsi tiiraanyo leh u dirayaa Siyaasiyiinta Aqoonyahanka, Waxgarad, Boqorada, Isimada, saladaadiinta Iyo Dhammaaba Shabacka Reer Somalilandba isagoo ka tacsiyadaynaya geeri naxdinta lahayd ee ku timi ALLE ha u naxariistee Marxuum Siyaasi Fu’aad Aadan Cade oo ku geeriyooday dalka Turkiga 15.07.2015.
Guddoomiye cirro ayaa ku sifeeyay inuu ahaa tiir culus oo ka baxay Qaranka Somaliland, isagoo sheegay inuu ahaa Marxmuum Fu’aad Aadan Cade Rug cadaa weyn oo siyaasi ah, isla markaana door weyn ka qaatay dhismaha Qaranimada Somaliland iyo nabadayntii dalka, wuxuuna ku tilmaamay inuu ahaa shaqsi qaranimadu jecel, kuna suntanaa hal adayg iyo go’aan qaadasho .
Md. C/raxmaan Cirro ayaa sidoo kalena wuxuu tacsi u dirayaa Eheladii, Asxaabtii, Qarabadii iyo Qoyskii uu ka baxay marxuum Fu’aad Aadan Cade,” Sidaas waxa lagu sheegay dhambaalka tacsida ah ee guddoomiye Cirro kaga hadlay shakhsiyaadii Marxuum Fu’aad Aadan Cadde.
Himilomedia
Hargeysa Office
No comments:
Post a Comment