Tartankan oo noqonaya kii saddexaad oo madaxweynuhu maalgeliyey saddexdii sanno ee u dambeeyey,

Ugu horeyn waxa munaasibadda loo sameeyey gunaanadka tartanka ka hadlay Culimo awdiin soo qaban qaabiyey tartankan oo ay kow ka tahay wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Somaliland, kuwaas oo uu xusay muhiimadda uu tartankani u leeyahay dhalinyarada iyo bulshadaba.
Wasiir Madaxtooyada Xirsi Cali Xaaji Xasan oo isna Halkaasi ka hadlay, ayaa bogaadiyey tartan islamarkaana u hanbalyeey Aradaya kalmaha hore ka gashay, wuxuuna xusay inay muhiim tahay in kor loo qaado Xiftiga Qur’aanka kariimka ah, sidoo kalena wuxuu hanbalyo u diray Wasaarada Diinta iyo Awqafta Somaliand oo tartankan soo abaabushay.
Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Siilaanyo oo munaasibadda soo gunaanaday, ayaa tilmaamay sida ay waajib u tahay in muhiimadda la siiyo weynta Qur’aanka Kariimka ah. “Farxad weyn bay ii tahay inaan xafladdan ka soo qayb-galo. Waa Arrin ahmiyad weyn leh Qiraa’ada Qur’aanka Kariimka ah inaynu xoojinno oo culayska iyo miisaanka ay leedahay siinno, markaa waa lagama maarmaan inaynu siinno Cisiga iyo sharafta uu leeyahay aynu siinno,” Sidaas ayuu yidhi Md Siilaanyo. Isaga oo intaas ku daray, “Waxaan soo dhawaynayaan oo aad ugu hambalyeynayaa qof kasta oo ka soo qayb-galay xafladda iyo dhalinyarada ka qayb-gashay Xiftiga Qur’aanka Kariimka ah.”
Gebo-gabadii madaxweynaha ayaa abaalmarinnada ay muteysteen guddoonsiiyey Afartii arday ee tartanka ku guulaystay, kuwaas oo magacyadoodu kala yihiin:
1. Maxamed Axmed Xasan (Hargeysa) Gaadhi, $200 iyo hadyado kala duwan oo ka kooban todoba shay.
2. Ismaaciil Cumar Madar (Hargeysa) $1,300, Kitaab, Laptop iyo hadyado kala duwan oo ka kooban todoba shay.
3. Cali Aadan Cismaan (Berbera) $1,000, Mobile Qaali ah iyo hadyado kala duwan oo ka kooban todobad shay.
4. Cabdiwahaab Ismaaciil Maxamed (Hargeysa) $700, Kitaab Qur’aan ah iyo hadyado kala duwan oo ka kooban todobad shay.
Tartanka Qur’aanka Kariimka ah, ayaa noqonaya kii saddexaad ee todobaadkan lagu soo gunaanado magaalada Hargeysa, kuwaas oo ay ku tartameen arday metalaysay gobollada kala duwan ee dalka. Labada tartan ee hore oo ay maalgelisay shirkadda Dahabshiil, ayaa loo kala qabtay Wiilal iyo Gabdho ka socday gobollada dalka, waxaana tartanka wiilashada ku guulaystay inta badan arday ka socotay gobolka Togdheer.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment