Laascaanood, 01 July, 2015 (Himilo)- Dowladda Somaliland ayaa sheegtay inay wada-hadallo la furayaan dabayaaqada bishan Kooxda uu hoggaamiye Cali Khaliif Galeydh ee la magac-baxday Khaatumo oo la sheegay inay oggolaadeen wada-hadallada oo loo bandhigay.
Guddoomiye ku xigeenka 1aad ee Golaha Wakiilada Somaliland Baashe Maxamed Faarax oo warbaahinta kula hadlayay magaalada Laascaanood ee gobolka Sool oo uu bogaaqasho ku joogo, ayaa sheegay in kooxda Khaatumo ka aqbashay wada-xaajood loo bandhigay, kaas oo uu sheegay inuu furmi doono marka ay dhammaato bisha Ramadan.
“Waxa aan balan qaadaynaa marka Iidda laga baxo inaan wada-hadal furno qoladan walaaleheen ee Khaatumo oo gogol u dhigno sidii hore madaxwaynu ballan qaaday, iyaguna way naga balan qaadeen oo diyaar ayay u yihiin,”ayuu yidhi guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Golaha wakiilada Somaliland.
Dhinaca kale, Guddoomiye Baashe Maxamed Faarax, waxa uu baaq u jeediyey u jeediyey shacabka ku dhaqan gobolka Sool, waxaanu yidhi, “Maalin dhowayd tiro koobkii waxa lagu sheegay saddex boqol oo kun ,waxaasina waa diwaangalintan aad ka cararaysaan,waxa aad iga balan qaadaan inaad diwaangalintaasi codaysan.”
Mar uu ka hadlayey saami-qaybsiga dhinaca mansabyada dowladda ee gobolka, waxa uu yidhi, “Saami qaybsigu qori ku iman maayo ,waxa uu ku imanayaa wada hadal iyo inagoo codkeena qaybsana,waxa aynu ku xisaabtamaynaa waa cod,nabad galyaduna waa mihiimn aynu kala baxno oo dadka qaar horumarka ha u gurmadaan.”
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment