Wednesday, July 1, 2015

“Wakhtigii hore wuu dhammaaday, Ciddii xaq u lahayd baana kordhisay, Dawladdu way jirtaa, ninkii yidhaahda ma jirtana dawladdu way jiidhi doontaa…”

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo Hanjabaad Culus u jeediyey Xisbiyada Mucaaradka ah iyo Jawaabta Faysal & Cirro

“Cali wuu iska hanjabaa, Walla-wayntuu jiidhaa, Annaguu (Mucaaradkuu) jiidhaa, cid walba wuu jiidhaa..kkkkkkkkkk Xataa Maraykanka ayuu jiidhaa…” Faysal Cali Waraabe

“Waddankan cidina cid khasab kuma xukumi karto, Xukuumadduna khasab ummadda kuma xukumi karto….”Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro)

Hargeysa, 01 July, 2015 (Himilo)- Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Cali Maxamed Waran-cadde, ayaa hanjabaad culus u diray Xisbiyada Mucaaradka ah ee WADDANI iyo UCID, isagoo sheegay in ciddii tidhaahda dawladi ma jirto wakhti kasta oo dhammaada dawladdu jiidhi doonto oo aanay iyagu jiri doonin. Hase-yeeshee, Guddoomiyeyaasha UCID iyo WADDANI, ayaa iyaguna ka jawaabay hanjabaaddaas.
Wasiir Waran-cadde oo ka mid ahaa Xubnaha Guddiga wadahadalka Xisbiyada u metelayey Xukuumadda, isla markaana goob-joog ka ahaa Shir Jaraa’id oo ay Madaxweyne Ku-xigeenka iyo Hoggaanka KULMIYE ku qabteen xarunta Madaxtooyada, waxa uu ka jawaabay su’aal Telefeshinka Kalsan Masuuliyiintaas ka weydiiyey maaddaama oo Guddoomiyaha Guurtida oo heshiiska Xisbiyada qaaddacay dalka ka dhoofay, Mucaaradkuna sheegeen inay go’aan soo saari doonaan haddii aan xal la gaadhin inta ka horreysa 27 Julay 2015-ka oo xilligii Madaxweynuhu xilka wareejin lahaa ku buuxda.
Hase-ahaatee, Wasiirka arrimaha gudaha Cali Maxamed Waran-cadde oo ka jawaabay su’aashaas waxa uu yidhi; “Dalkan waxa loo soo maray dhib fara badan, dhiig, ummad dhan oo la saydhay si ay goba-nimo u gaadho, ayaa waddankan ku nool oo samaysatay Qaran iyo dawladnimo, waad ogtihiin dhibka loo soo maray, waad ogtihiin dadka innagaga maqan, kuwa ku agoomoobay.”
Waxa uu sheegay Waran-cadde inay Xukuumad ahaan cayda iyo aflagaaddada u dul-qaataan, laakiin aanay u dul-qaadan Karin wixii Qaranka ka dhan ah; “Laakiin, marka uu Alamtara soo dhaafo, ee uu yidhaahdo Qaran ma jiro, dawladi ma jirto, ee himiladii ummaddani intaas oo sano u soo dagaallamaysay, ee lagu soo hoogay ee lagu agoomoobay yidhaahdo ma jirto, waxaannu leenahay adigaan jiri doonin. Ballan-na waxaan ku qaadayaa ninkii Qarannimada ka hor-yimaadda iyo dawladnimada inaannu bari doonno dawladnimada iyo Qarannimada, Shacabkuna ha ogaado.”
Sidoo kale, Wasiir Waran-cadde oo jawaabta su’aashaas sii watay waxa uu ku sii hanjabay oo yidhi; “Wakhtigii hore wuu dhammaaday, doorashadi way qabsoomi wayday, ciddii ku shaqada lahayd ee ama ha ahaado Guddiga doorashooyinka ama Golaha Guurtida ha ahaadee ayaa kordhisay, wixii xal ah ee aynu isla garannaa waa halkiisa oo wuu soconayaa. Dawladdu way jirtaa, ninkii yidhaahda ma jirtana way jiidhi doontaa.”
Guddoomiyaha Xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe oo Wargeyska Himilo su’aal ka weydiiyey sida uu u arko hanjabaadda culus ee Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland u jeediyey haddii ay yihiin Xisbiyada Mucaaradka ah, ayaa isagoo aad u qoslaya si jees-jees iyo xikaayadaysi ah uga jawaabay, waxaanu yidhi; “kkkkk… Cali wuu iska hanjabaa, Walla-wayntuu jiidhaa, Annaguu (Mucaaradkuu) jiidhaa, cid walba wuu jiidhaa.kkkkk Xataa Maraykanka ayuu jiidhaa. Markaa, daaya ha iska hanjabee. Hanjabaaddu way fiican tahaye…!”
Sidoo kale, Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) ahna Guddoomiyaha Golaha Wakiillada, ayaa isaguna su’aasha laga weydiiyey sida uu u arko hanjabaaddaas Wasiir Waran-cadde waxa uu kaga jawaabay oo yidhi; “Annagu waddanka waannu u tudhaynaa, waannu ku celinaynaa Xukuumaddu inay heshiiska fuliso. Waddankan cidina cid khasab kuma xukumi karto, Xukuumadduna khasab ummadda kuma xukumi karto. Sidaannu hore u ballan-qaadnay wada-tashi baannu isugu iman doonnaa, lexe-jeclo badan baa waddanka naga haysa, arrintaasna tashi midaysan baannu ka soo saari doonnaa Mucaarad ahaan.”

Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland

No comments:

Post a Comment