“Annagu Guurtida baryi mayno! Guurtidu go’aankoodii way gaadheen, ka noqon mayno ayay yidhaahdeen….Arrintaa fulinteedu Madaxweynaha ayay u taallaa…” Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI
“Guddiga Doorashooyinka, waxaan leenahay ku hawl-gala…….Bal Guurtida noo diidaysa inaannu doorasho qabanno ee is-kaaya hor-taagaysa aan aragno. Waa innoo December iyo doorasho…” Guddoomiyaha Xisbiga UCID
“Hadda waxaannu ugu taag la’-nahay Xisbiyada Mucaaradka ah, waar wixii aynu doonaynay illayn innagaa danta lehe inna keena oo Odayaasha wada qancinee, hal khalad ah bay ummadda ka dhaadhiciyaan oo ah ..” Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE
“Waxaynu qaadanaynaa waa xal Siyaasi ah oo aynu ku raadinayno danta Qaranka oo aynu ku raalligalinaynay Beesha Caalamka ee innala shaqaysa oo u aragtay inaynu ka dhago-adaygnay hawshii dimuquraadiyadda…” Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland
Hargeysa, 01 July, 2015 (Himilo)- Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland iyo Guddoomiyaha Xisbiga talada haya ee KULMIYE, ayaa sheegay inaanay Xukuumadda iyo Xisbigeedu toona ka bixin heshiis ay Xisbiyada Mucaaradka ah la galeen 27-kii bishii May sannadkan 2015-ka, kaasoo dhigayey in doorashada la qabto bisha December ee sannadka 2016-ka, halka Golaha Guurtidu deedifeeyey Heshiiskaas oo ay Sharci-darro ku tilmaameen, isla markaana ka hor-imanayo muddo-kordhinta Sharciga ah ee ay sameeyeen sida uu Guddoomiyaha Guurtidu ku dooday maaddaama oo uu 4 bilood doorashada ka soo hor-marinayo xilliga ay muddeeyeen oo ah bisha April ee sannadka 2017-ka.
Hase-yeeshee, Guddoomiyeyaasha Xisbiyada Mucaaradka ah ee UCID iyo WADDANI Eng. Faysal Cali Waraabe iyo Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa iyaguna dhinacooda ka hadlay hadalka Madaxweyne Ku-xigeenka iyo Guddoomiyaha KULMIYE ku sheegeen inaanay ka bixin Heshiiskaas, isla markaana go’aanka Guurtidu sharci yahay, iyagoo labada Guddoomiye ku dooday inaanay ahayn wax laga sugayey oo Bulshada caalamka iyo Shacabka Somaliland toona u cuntamaynin in Xukuumadda iyo KULMIYE sheegaan inaanay ka bixin heshiiska, haddana uu go’aanka Guurtidu sharci yahay.
Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa ugu horreyn ka hadlay Shir Jaraa’id oo ay isaga iyo Hoggaanka sare ee KULMIYE shalay ku wada qabteen Xarunta Madaxtooyada ee magaalada Hargeysa, waxaanu yidhi; “Arrimaha hadda taagan Xukumadda iyo Xisbiga Kulmiiye waxay ka aaminsan yihiin sidan soo socota; 1- Mawqifka Xukuumadda iyo Xisbiga Kulmiye wuxuu taageersan yahay heshiiskii Xisbiyada iyo Xukuumaddu isla gaadheen, meel Xukuumaddu heshiiskaas kaga baxdayna ma jirto. 2- Sidii aannu ku caddaynay heshiiska aannu wada Saxeexnay Axsaabta iyo Xukuumaddu go’aankii Guurtiduna waa mid sharci ah. 3- Xukuumadda iyo Xisbiga KULMIYE waxay ku jiraan sidii Golaha Guurtida oo ah Hay’addii sharciga u lahayd muddo-kordhinta aannu isula waafaqi lahayn heshiiska Siyaasiga ah ee aannu danta Qaranka moodnay.”
Waxaanu Md. Cabdiraxmaan-Saylici ku dooday in go’aanka Sharciga ahi yahay ka Golaha Guurtida, hase-yeeshee Heshiiska ay Xisbiyada Mucaaradka ah la galeen ahaa xal siyaasi ah iyo tallaabo lagu raalli-gelinayey Beesha caalamka ee Somaliland ka taageerta nidaamka dimuquraadiyadda iyo doorashooyinka, waxaanu yidhi; “Sidaas darteed walaalahayaga Mucaaradka ah waxaanu leenahay meesha kuma jirto in dadka la jaahwareeriyo oo la yidhaa Xukumadda ayaa ka baxday heshiiskii oo umadda waxaan jirin loo sheego.”
“Waxa weeye Sharci baa halkan yaalla, waxaynu qaadanaynaa waa xal Siyaasi ah oo aynu ku raadinayno danta Qaranka oo aynu ku raalligalinaynay Beesha Caalamka ee innala shaqaysa oo u aragtay inaynu ka dhago-adaygnay hawshii dimuquraadiyadda ee ay innala wadeen oo aannu taas darteed u qaadannay. Waxaannu ku jirnaa sidii go’aanka Dastuuriga ah ee Odayaasha Guurtidu qaateen loo waafajin lahaa heshiiska aynu isla garanay ee ah xalka Siyaasiga, wax heshiis ah oo laga baxayna meesha ma yaallaan.” Sidaa ayuu yidhi Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan-Saylici.
Sidoo kale, Guddoomiyaha Xisbiga Muxaafidka ah ee KULMIYE Muuse Biixi Cabdi, ayaa ku adkaysiga go’aanka Golaha Guurtidu ay qaateen ee muddo-kordhinta uu sabab u ahaa Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI ahna Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Cabdiraxmaan-Cirro, waxanu yidhi; “Waa la isku yimid, heshiis bay saddexda Xisbi isla qaateen, markaannu qoraalka heshiiskaa saxeexnay ayuu Guddoomiye Cirro nagaga baxay ee aannu Guurtida u gudbin lahayn. Guurtidu halkii bay nagaga xanaaqday oo waxay yidhaahdeen annagu go’aan sharci ah baannu gaadhnay, markii horena waydinkii heshiin waayay ee qoladiinan xisbiyadow dalka ha wareerinina, sidii baanay ku maqan yihiin.”
“Hadda waxaannu ugu taag la’-nahay Xisbiyada Mucaaradka ah, waar wixii aynu doonaynay illayn innagaa danta lehe inna keena oo Odayaasha wada qancinee, hal khalad ah bay ummadda ka dhaadhiciyaan oo ah Madaxweynuhu ha saxeexo, Madaxweynuhu muxuu u saxeexayaa?, Madaxweynaha, KULMIYE, WADDANI iyo UCID way u siman yihiin arrintan, anigaa doonayna doorasho, Guurtiduna markii ay qabasho lahayd innagaa sii daynay, maantana waxaa la innaga rabaa inaan Guurtida nidhaa arrintaas dib noola qaata.” Sidaa ayuu yidhi Muuse Biixi.
Guddoomiyaha Kulmiye oo la waydiiyay in arrintaasi Dastuurka jabinayso ayaa yidhi “Dastuurka jabin mayso ee waa codsi. Adeer waxyi maaha waxa la yidhaahdaaye waxaannu is tusaynaa wixii aad gaadheen dan ka dhaw haddaannu helnay oo si qancinay Shariciga idinkaa lehe nala qaata ayaannu idin leenahay, codsi iyo waxaannu idiinla imanaynaa talo Guurtiyeey.”
Muuse Biixi waxa uu intaas ku sii ladhay; “Laakiin, xaggayagii bay ka qabyo tahay oo nimankii Mucaaradka ahaa waxay nala soo taagan yihiin Caalamka ayaannnu u yeedhaynaa, Caalamku halkan kama taliyo ee wuu inna caawiyaa, qodobka labaad Maxkamad halla geeyo, ma Guurtidaynu Maxkamad gaynaa? Haddaynu geyno oo Maxkamaddu tidhaahdo go’aanka Guurtidaa Sharci ah, maxaynu ka helaynaa, ma dalkaynu qas gelinnaa, Xukuumadda iyo KULMIYE waa isku mid, Madaxweynuhu Xisbiga ayuu ka mid yahay, go’aankan aannu idiin sheegaynaa waa go’aankii Madaxweynaha...”
Hase-yeeshee, Guddoomiyeyaasha Xisbiyada Mucaaradka ah ee UCID iyo WADDANI, oo Saxaafaddu wax ka weydiisay sida ay u arkaan hadalka Madaxweyne Ku-xigeenka iyo Guddoomiyaha KULMIYE iyo weliba baaqa ay Mucaarad ahaan u jeediyeen ee ah inay kala shaqeeyaan inay Guurtida ku wada maslaxaan in heshiiska iyo go’aanka muddo-kordhinta ay is-waafajiyaan, waxaanay ku doodeen inaanay arrinta Guurtidu ahayn mid hadda iyaga u taalla, balse Madaxweynaha fursado badani u bannaan yihiin oo xal ahi.
Faysal Cali Waraabe oo ka jawaabay su’aashaas waxa uu yidhi; “Nin baa laga hayey Macallinoow adaan kaa maqlayaa Alif waxbuu leeyahay iyo wax male. Heshiiskii Xisbiyada waannu fulinaynaa waannu taageersannahay iyo go’aankii Guurtidu waa sharci, horta Xukuumadda iyo KULMIYE ayeynu ka doonaynaa labadaas inay is-waafajiyaan. Guurtida xaaladdeeda in badan baannu ka hadlaynay oo ku noqon maayo. Laakiin, waxaan idiin sheegaya in Beesha caalamka iyo Shacabka Somaliland-ba ay Xukuumadda ka sugayaan inay meel-mariso heshiiskii. Markay dawladuhu jabayaan waxaad ku garataa waxay la colloobaan Beesha caalamka eel eh wixiinna hagaajista. Immika waxaad mooddaa inay dawladdu beesha caalamka sas ka qaadday, iyadoo ay leeyihiin waar wixiinna hagaajista oo aan wax idinla qabanno, dan kama laha, Shacabkana dan kama laha, Xisbiyaduna maxay sheegayaan bay leeyihiin.”
Guddoomiyaha Xisbiga UCID waxa uu sheegay inay Wefti ka socda Qaadhaan-bixiyeyaasha ay kulan la yeesheen Masuuliyiinta Xisbiyada Isniintii dorraad, isla markaana ay ka waayeen mawqif midaysan Mucaarad ahaan iyo Muxaafid ahaan oo la xidhiidha hirgelinta heshiiska Xisbiyada iyo Xukuumaddu hore u gaadheen. Taasina ay keentay in la joojiyo Mashaariic horumarineed oo uu ka mid yahay Mashruuca hirgelinta Jidka isku xidha Berbera iyo Addis Ababa oo lagu soo war-geliyey in la hakiyey sida uu sheegay Faysal.
“Kol hadday leeyihiin heshiiska waannu ayidsannahay waxba annaga yaanay KULMIYE iyo Xukuumaddu Guurtida noo dirin, iyagaa is-xambaarsan Guurti, Xukuumad, Wakiillo iyagaa is-xambaarsan, waa heshiis, waa isku Xisbi, iyagaa Kubbaddu xaggooda taallaa, maanta dalka annaga Mucaarad ahaan ha nooga biqina inaannu khalkhal iyo xumaan u keenno, ee dawladdaasi uun yaanay buubin sidii Awrii layliga ahaa.” Sidaa ayuu yidhi Faysal Cali Waraabe.
Waxaanu Guddoomiyaha UCID sheegay inay doorashada isu diyaarinayaan bisha 12-aad ee sannadka 2016-ka, waxaanu yidhi; “Annagu waxaannu leenahay oo u sheegaynaa Shacabka Somaliland 2016-ka waxaannu diyaar u nahay doorashadii. Wakhtiga la sameeyey (wakhtiga heshiiska) Guddiga doorashooyinka dhawaan baan la kulmaynaa, waxaan leenahay go’aankaa la isla qaatay ee dawladdu lumisay ee December 2016-ka ku hawl-gala. Bal Guurtida noo diidaysa inaannu doorasho qabanno ee is-kaaya hor-taagaysa aan aragno. Waa innoo December iyo doorasho, annaguna haddaannu hawleheedii galaynaa Insha ALLAAH, Axsaabtana boodhka ka jafaynaa.”
“Taa waxa ka soo horreysa uun Xukuumadda wakhtigeedi 27-ka July buu dhammaanayaa, intaas ka hor waxaan leenahay halla isu yimaaddo, wakhtigaa illaa December 2016-ka dawladdii wadi lahayn hallaga sheekaysto, hallaga shiro, halla isku raaco, hallagu duceeyo. Laakiin, wax dambe oo looga noqonayo doorashooyinka ma jirto ee sidaas (heshiiskaas) ayaan ku shaqaynaynaa.” Sidaa ayuu yidhi Guddoomiyaha UCID Eng. Faysal Cali Waraabe.
Sidoo kale, Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), wuxuu sharraxay aragtida ay Xisbi ahaan ka taagan yihiin tallaabooyinka Xukuumadda iyo Xisbigeeda KULMIYE iyo hadalka Madaxweyne Ku-xigeenka, waxaanu yidhi; “Arrintaas waxaannu u aragnaa in Xukuumaddu heshiiskii ka baxday, sababtoo ah gogol bay Xukuumaddu dhigtay, maalintay gogosha dhigeen bay yidhaahdeen gogolna waannu dhignay Go’aanka Guurtiduna waa sharci, iyagoo taa og waannu aqbalnay gogoshii, waxaa ka soo baxay heshiis ahaa in doorashada la qabto December 2016-ka, in doorashada la cayimo oo Madaxweynuhu digreeto ku soo saaro. Laakiin, bil iyo badh ka dib in Xukuumaddu ku soo celiso heshiiskiina kamaannu bixin, go’aankii Guurtiduna waa sharci, waxay ila tahay wax dadka u cuntamaya maaha, wax dunida u cuntamayana maaha, labada mid uun bay ku fiicnayd inay Xukuumaddu tidhaahdo.”
Guddoomiye Cirro oo la weydiiyay inay aqbaleen Mucaarad ahaan Baaqa KULMIYE iyo Xukuumaddu soo jeediyeen ee ah inay Mucaaradku kala qayb-qaataan sidii Guurtida loogu qancin lahaa ee loogu baryi lahaa inay heshiiska waafajiyaan muddo-kordhinta, waxa uu ku jawaabay; “Arrintaasi mid annaga noo taalla maaha, Xukuumadda waxaa laga rabaa inay heshiiska fuliso. Xukuumadda boqol waddo ayaa u furan oo waxaa u furan inay Guurtida qanciso, waxaa la leeyahay Madaxweynaha way is arkeen Saleebaan (Guddoomiyaha Guurtida) maalintii dhawayd ee uu tagayay, laakiin mawduucaas kamabay wada hadalba.”
Cabdiraxmaan-Cirro oo lagu celiyey inay Baryada Guurtida ka qaybgalayaan iyo in kale, waxa uu ku jawaabay; “Annagu Guurtida baryi mayno! Guurtidu go’aankoodii way gaadheen, ka noqon mayno ayay yidhaahdeen, labaatan jeer bay ku celiyeen, arrintaa fulinteedu Madaxweynaha ayay u taallaa.”
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment